Muxaadaro Tijaabo Ah ama baroobo qoraal ah By Dr Maow |
Bismilaah, Al xamdulilaah wa salaatu wasalaam calaa rasuulilaah, Salalaahu Calaayhi Wasalam, Allaahuma Wa fiqnaa Limaa Tuxibu wa tardhaah. Wa Bacd ! Marka hore walaalayaal ilaah baan Subxaanahu wacaalaa Umahadcelineeynaa Allaah Tabaaraka watacaalaa Nimcadiisa Iyo Nimcooyinkiisa faraha badan aan la koobi karin oo ina siiyey hadeey ahaan laheeyd caafimaadka,jiritaankeena oo weliba alaah inaga dhigay dad Muslimiin ah. Marka walaalayaal waxaan Si tijaabo ah u soo jeedinayaa Muxaadaro Ku saabsan. (( Ciyaadatul Mariidh )) Qofka xanuunsan oo aad soo booqato iyo faaiidooyinka aad ka heleeyso iyo weliba ducooyinka aad ugu duceeyneeyso. Qofka xanuunsanaya oo agtaada jooga faaiidada aay leedahay. Matalan:walaakaa,saaxiibkaa,ehelkaada,deriskaada islaamka ah/ iyo deriska gaalka ahba Waxaan Ku hormarayaa Mida maskaxda ku soo hormari karto dabcan oo ah deriska gaalka ah sidee loo booqanayaa maxaanse ka helayaa ? su'aal cajiib ah balse waxaa ku dayasho mudan xabiibkeena Nabiyullaahi Muxamed Salallaahu calaayhi wa salaam . Xadithkaan waxaa wariyey Anas Binu maalik ** Radiyalaahu canhu, Waxaa uu Yiri Rasuulka Salallaahu calaayhi wa salaam Ayaa boodey Nin yahuudi ah oo u qidmeeyn jirey (( macnaha shaqaalo ayuu u ahaa )) Marka halkaas waxaa ku cad in hadii gaalka uu ku wanaag falaya la booqan karo hadii uu xanuun sado kadibna aad u soo bandhigto diinta** hadi alaah markaas hanuun la doono waa uu kaa aqbalayaa waadna gudatey waajibkii iyo xilkii kaa saarna dintaada ** Allaahu akbar. Marka rasuulaka sala laahu calaayhi wa salaam uu buuqdey ninkaas yuhuudka ah waa uu ag fadhiistey waxa uuna yiri Aslim = War diinta soo gal rasuulka sala alaahu calaayhi wa salaam waxa uu sidaas ku yiri wiilkii yahuudiga ahaa ee u shaqeen jirey . Wiilkiina waxa uu milicsadey, ama eegey amaba u jeesteyba dheh dhinaca aabihii oo aan ka fogeeyn , aabihii yuhuudigaa ahaa waxa uu durbaba bilaa hakad ku yiri wiikiisii isagana yahuudiga ahaa Adec ! Adeec abal qaasim...... marka qofka gaalka xitaa waa la booqanaayaa..aabihiin ayuhuud buu ahaa waxa uuna ogaa in waxa nabiga scw uu wado uu xaq yahay ( aabahana yuhuud buu ahaa )) Rasuulkuna waxa uu yiri al xamdulilaah aladii anqadahu mina naar = waxaa Mahad u sugnaatey Allaaha ka koriyey naarta... Marka hadii uu xanuunsado gaalka kuu asxaan sameeyaa ma u tageeysaan ? mase waa gaal oo waxaad leedihiin war gaalkii wuu xanuunsadee alloow naarta geee ( la' ha sameeyninaa sidaas Rasuulka ma sameeyn waxaana ku dayasho mudan Rasuulka sal allaahu calaayhi wa salam. Intaas waxaanuga baxay Qeeybtii koowaad oo aheed mala booqanayaa Qofka xanuunsan oo gaalka ah / amaba deriska sidaan bilowga ku xusay. Qodobka labaad aan ku xejinaayo waa maxay ? Jawaabtu waxaa weeye. Maxaa faaiido ka helayaa Hadii aan booqdo qof xanuun san ? jawabtaada waa tan ee dhgaha si fiican u fur . Marka Xadithkaana waxaa wariyey Cali binu abii Daalib* Radiya laahu canhu* Waxa uu yiri, Qofka Muslimka Ah hadii uu boqdo walaalkale oo muslim ah goor aay tahay aroor 7000 kun oo malaig baa u duceeyneeysa ilaa goorma ? Ilaa casirkii hadii uu casirkii booqdana waxa u duceeyneeysa ilaa 70,000 kun oo malag ilaa goormaa ? Jawaab Ilaa subaxi . Aw xataa yusbix.. wakaana lahu qaliifun fil jannah. aay thamaraatul janah beer jano ayuu ku sugan yahay inta uu qofka walalkii ah l ajoogo walaalka xanuunsan uu booqdey.waana waa jib ka mid ah wajibka uu kuleeyahay qofka muslimka ah oo ( shanta waa jibka ah ah ee uu kuleeyahay walaalka kale muslimka ah ) ( marka aniga mid baan ka soo qaatey ) Balse aan idin xasuusiyo shanta waajib 1aad. hadii muslim ku salaamo in aad k aradido .. waa xaq uu kugu leeyahay 2aad.. wa tashmiitul caatish. markuu uu hindhiso waa in aad tiraahdaa yar xamaka laah wa amarkuu yiraahdo al xamdulilaah 3aad.. qofka xanuunsan ee walaakaa ah waa in aad soo booqato.. 4aa. watibaa cul al jinaazah.( iyo in aad janaasada raacdo ) shanaad baa iga maqan insha Allaah ardeyda ii soo diri doonta. ... .. Qodobkii labaad Halkaas Ayaan ku dhameeyey. Waxaana wariyey xadiithkii koowaad aan ka soo hadley Anas bin Maalik.. booqashadii yahuudiga rasuulka salala laahu calaayhi wa salaam , Hadithkaan aan hada dhameeyey Asagana waxa wariyey Cali bini abii daalib* radiallaahu canhu waxa uuna ku saabsanaa maxaan faaiido ka helayaa hadii aan booqdo walaal kale oo islaam ah iyadan halkaan baan ku cadeeyey. Marka qeeybta sadexaad oo aan ku soo gaba gabeeynaayo Muxaadaradeeydaan tijaabada ah Madaama aan dhaalibul Cilmi ahay waxaa dhici karta in la duubto marka waa cadeeyn in aanan aheeyn shiiq.. Allaahu akbar alaah baa mahadaas is ka leh nafahansiiyey intaas. Qeeybtaana waa Ducooyinka Rasuulka ugu duceeyn jirey. iyo sida uu sameeyn jirey. Waxaana warisey Caaisha Radiyalaahu Canhaa '' kaana yacuudu bacda ahlihi yamsaxu biyadihi al yumnaa. kacantiisamidig ayuu ku masixi jirey qaasatan wejiga ayuu kaga masixi jireyWayaquul . Allaahuma =Alahayoo Rabb'a Al Naas.=rabiga dadkoow ! Adhabil baas =dhibka ka qaad Washfi = Shaafi Anta Shaafii = Adigaa shaafiyo'ee - laashifaa'a = Caafimaad majiro ! Ilaa shifaa'uk = Caafimaadkaga mooyee shifaa 'an = oo shaafi laayuqaadiru Hakureebin Saqama = (Xanuun )! = Alahayoo rabiga dadkoow dhika kan dhibka ka qaad shaafi caafimaad sii caafimaad majiro ilaa caafintaada mooyee caafimaad sii Caafimaadkaasoo ka xayuubiya xanuunka saaran oo aan k atagin wax xanuun ( mutafaqun calaayhi ) Ducadan kalena waxaa wariyey Sacad binu abii waqaas*wariyey. waxa i soo booqdey rasuulka, xajatu al wadaac ayuu booqdey wadnaha ayaa xanuunayey Rasuulka: scw Alaahumashfi sacdaa alaahumashfi sacadaa alaahumashaafi sacadaa. 3 jeer Ayuu ku celi celiyey Rasuulka sala laahu calaayhi wa salaam ... Ducada Ugu danbeyso muxadaradeeyda tijaabada waxaa wariyey xaditthkaan Abii cabdilaah* = cuthmaan bini abii caas*Radiyaalahi canhu . jirkiisa aya xanuunay siduu diinta u soo galayba wuu xanuun sanayey marka rasuulka uu u cawday. rasuulka: scw : Waxaa uu yiri gacantaada midig isa saar meesha ku hanuuneeysaa 3 jeer waxaa dhahaa bismilaah. 7 jeerna waxaad dhaheeysaa: Acuudu bicisitilaahi waqudratihi min shari maa ajidu wa uxaadiru. ilaaha cizadiisa waxaan ku magan galayaa iyo qudradiisa sharta taasoo aan ka cabsanaayo. Walaalayaal Muxaaadaradeeydii intaas baan ku soo gaba gabeeyey khalaadka kujirana ilaah haiag cafiyo macalinkana in uu iga saaxo baan ka codsanayaa Insha Allaah , macalin ilaah haku siiyo kheyr aduunka iyo midkiisa aakhiraba kan aduunkana alaah kuu da dajiyo aawlada soo soctana ( ahludiin alaha ka dhigo sidaada oo kale umada ugu faaiideeysa ) awel xaajiyada iyo awlada ayagoo caafimad qaba alaha kala keeno baarina alaaha idin kaga dhigo. allaaha subxaanau watacaalaa waxaan weeydiisaneynaa waxa khery ah in uu na waafajiyo wixii gaf ahna oo naga dhacayna in alaah Subxaanahu watacaalaa noo dhaafo ( hadaa wa bilaahi tawfiiq wa sal lalaahu wa salama calaa nabiyuna amuxamadin wa calaa aalihi wa saxbihi wa salaam a 15. min. soconee End --------------------------------------------------------------- 13.10.2009 Time. 21:06 Waxaan ka diyaariyey muxaadaradaan cashiro aan ka qaato paltalk Macalinkeyga nagu dhira galiyey in aan soo diyaarinno marki walaal hadii aad qalad ku aragto qoraalkaan sheikh ma qorin waxaa qorey ardey maskiin ah W. Q. cabdirisaaq yuusuf macoow ( daacad ) fadlan email ii soo dir si aan u saxo qoraalkaan Riix halkaan P.s Qoralkaan diyaarintiisa waxaay igu qaadatey shan saacadood |